Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Kullankii Somaaliya & Caalamka


Xasan Sheekh iyo Ban Ki Moon
Xasan Sheekh iyo Ban Ki Moon

War-murtiyeed kasoo baxay kullanka, ayaa beesha caalamka waxa ay ku sheegtay inay garwaaqsan tahay inay adag tahay in Soomaaliya laga qabto doorasho qof iyo cod ah.

Waxaa xalay lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee New York shir heer sare ah oo ay si wada jir ah u guddoominayeen madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamud iyo Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-Moon.

Shirkaasi waxaa sidoo kale ka qeyb galay wakiilada waddamada Jaamacadda carabta, Midowga Africa iyo qaar ka mid ah dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, oo kullanka ka hadlay ayaa sheegay inuu dalka Soomaaliya u horseedi karo doorasho xor ah oo markii ugu horrreysay dalka ka dhacda, sanado badan kadib.

War-murtiyeed kasoo baxay kullanka, ayaa beesha caalamka waxa ay ku sheegtay inay garwaaqsan tahay inay adag tahay in Soomaaliya laga qabto doorasho qof iyo cod ah, balse waxa ay sidoo kale ka digtay in hay’adaha dowliga ah ee hadda jira ay waqti korarsi sameeyaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo klae kullan gaar ah la yeeshay ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xasan, ayaa warbixin inooga soo diray xarunta QM ee New York.

Kullankii QM ee Somalia
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:27 0:00

XS
SM
MD
LG