Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafti Dowladda ah oo Tagay Baardheere


Gedo, Somalia
Gedo, Somalia

Waftiga dowladda ee maanta tagay halkaas, ayaa la kulmay dadka deeganka, saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ee joogaa Baardheere,

Wafti uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo ay wehliyaan xildhibaanno, ayaa maanta tagay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Baardheere waxa ay dhowaan usoo gacan gashay dowladda Soomaaliya, kadib sideed sano oo Al-Shabaab ay haysteen.

Waftiga dowladda ee maanta tagay halkaas, ayaa la kulmay dadka deeganka, saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ee joogaa magaalada Baardheere, oo ay kala hadleen xaaladda magaalada.

Waxaa sidoo kale ay kala hadleen arrinta mas'uuliyiinta gobolka Gedo ee loo masaafuriyey magaalada, kadib maalmo ay ku xirnaayeen Dooloow.

Socdaalkan, xaaladda Baardheere iyo xiisadaha siyaasadeed ee gobolka Gedo, ayaa Axmed Cali Sheekh waxa uu ka wareystay xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ka mid ahaa xubnihii maanta tagay halkaas.

Wareysi XIldhibaan Magan
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:16 0:00


XS
SM
MD
LG