Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UK: Saameynta Joojinta Qaadka ee Soomaalida


Saameynta joojinta qaadka ee Soomaalida UK ayaa waxaa ugu weyn inay aad hoos ugu dhaceen rabshadaha guriga ama (domestic violence).

24-kii June ee sanadkii 2014 ayey dawladda Britain dhaqan galiyay in jaadku uu yahay qayb kamid ah daroogooyinka, waxaana ay mamnuucday ka ganacsiga iyo cunista qaadka. Booliska Britain ayaa go’aanka kadib albaabada isugu dhuftay in ka badan 136 Marfish ama goobaha lagu cuno jaadka.

Booliska dalka Britain ayaa soo bandhigay warbixin faah faahsan oo ka hadlaysa in horumarro laga dareemayo jaaliyadaha ay Soomaalidu kamid tahay ee sida weyn u cuni jiray qaadka inkastoo wali jaadku uu si dhuumaalaysi ah kusoo galo gudaha dalkan Britain.

Waxaa jirtay muddadaasi sanadka ah in dad Soomaali ah oo gaaraya 56 qof la ujoojiyay, lana baaray iyagoo ku lug lahaa qaadka, 6 kamid ah dadkaasi ayaa xukunno kala duwan lagu riday sida Booliska ka hortaga danbiyada iyo mukhaadaraadka uu ku sheegay warbixinta.

Simon Rose oo ka tirsan ciidanka booliska oo waraysi siiyay VOA Somali ayaa sheegay in ay jirtay 110 dagniino la xiriira jaadaka oo loo jeediyay dad shakhsiyaad ah oo ka ganacsanayay jaadka.

Waxaa intaasi uu ku daray in wadooyinka lagu joojiyey 56 qof oo jaad lala xiriirinayay. Waxaa kaloo jirta 10 qof oo digniin loo jaray, laakiin arrinta aan diiradda saarnay ayaa sidoo kale ah in aan ku dhiiri galino dadka jaadka isticmaala in ay la kulmaan dhakhaatiirtooda oo baaritaano caafimaad iyo mid maskaxda ahba ay maraan.

Arrinta ugu weyn oo laga faa’iiday joojinta qaadka ayaa boolisku sheegay in ay aad hoos ugu dhacday rabshadaha guriga ama waxa loo yaqaano domestic violence. Sanadkii ugu horeeyay ee la joojiyay qaadka waxaa lagu ogaaday in 23% ay hoos u dhaceen taleefanada ay soo diri jireen haweenka Soomaalida, Eritreanka iyo Kenyanka ee soo gudbin jiray in gacan qaad ama rabshad ay kala kulmaan ragga qaba ee jaadka isticmaala. Marka la eego Arrintaasi waxaa muuqanaysa in uu jiro hoos udhac aad u balaaran…anigu waxaan aaminsanahay in arrintan ay xiriir la leedahay go’aankii qaadka lagaga joojiyay jaaliyadda Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah goobihii marfashka ee jaadka ee ku yaalay deegaanada Brent, Hanslow iyo Harrow waxaa ay isu roggeen goobo lagu qaxweeyo oo jaaliyaddu isugu timaado halkii markii hore jaadka lagu iibin jiray. Dad badan oo ku lug lahaa qaadka waxaa hadda ay ka shaqeeyaan suuqyada, gaadiidka, tagaasida iyo xarumaha kale sida goobaha shaqada laga raadiyo ee jobcentre-ka .

Abukar Cawaale oo hormuud u ahaa dadka u ololaynayey joojinta qaadka ayaa sheegay ay wali jiraa dad ka ganacsada jaadka lasoo qalajiyay oo si dhuumaalaysi ah loo keeno dalkan Britain, waana jaad su’aal laga keeni karo tayadiisa, waana mid aad qaali u ah oo danbiyo ay ka dhalan karaan..waxaa loo baahan yahay in shaqo badan la qabo hase yeeshee waxaa muuqata in sanadkii ugu horeeyay ee la joojiyay jaadka in ay aad hoos ugu dhacday tirada dadka jaadka isticmaala, waxaa kaloo jirta in caafimaadku uu kordhay.

Wareysiga Simon iyo warbixinta Ridwaan Xaaji Cabdweli Hoos ka dhageyso.

Saameynta Qaadka
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:47 0:00

XS
SM
MD
LG