Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda oo Xaqiijisay Dhimashada 12 Askari

Askar ka tirsan ciidamada Uganda ee Somalia. (File Photo)
Askar ka tirsan ciidamada Uganda ee Somalia. (File Photo)

Uganda ayaa xaqiijisay in 12 ka mid ah askarteeda ka tirsan AMISOM lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga milatari ee AMISOM ay ku leedahay degmada Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Paddy Akunda, oo ah afhayeenka Milatariga Uganda ayaa qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka ku sheegay in 10 meydadkaas ka mid ah maanta laga soo duuliyey Muqdisho loona qaaday dalka Uganada.

Mr. Akunda waxa kale oo uu sheegay in AMISOM ay tirisay dhammaan askarteeda, islamarkaana aysan jirin wax askar ah oo la la’ yahay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkii Jannaale ka dhacay aroornimadii talaadada ay ku dishay 70 askari oo ka tiran ciidamada Amisom, balse ilo-wareedyo VOA-da la hadlay ayaa dhimashada ku sheegaya 20.

Paddy Akunda, ayaa sheegay in weerarkii Janaale uu yahay mid “Cayaarta wax ka beddeli doona”, islamarkaana Al-Shabaab ay fishaan “Jawaab ku habboon” oo kaga timaada ciidamada AMISOM.

Akunda ayaa intaas ku daray, in inkasta oo weerarka uu jiro, haddana taasi aysan ka hor istaagi doonin Uganda dadaallada ay ku caawineyso nabadeynta Soomaaliya.

Islamarkaana, madaxa ciidamada difaaca Uganada General Deward Wamala, ayaa booqday jiida hore ee ciidamada Ugnada ee Janaale, halkaasi oo kula kulmay askartiisa, kuna booriyey howlgalkooda.

XS
SM
MD
LG