Isku xirrada

War Deg-Deg ah

7 Ku Dhimatay Dagaal Dhex Maray Ciidamada Dowladda Soomaaliya


Dadka ku dhintay iska horimaadkan dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa u badnaa haween barakacayaal ah.

Inta la xaqiijiyay 7 qof ayaa ku dhimatay 19 kalena waa ay ku dhaawacmeen, is-rasaaseyn ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda ku dhex martay Jaamacadda Gaheyr ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay oo haween u badan ayaa ah barakacayaal loo qeybinayay kaararka raashinka mucaawinnada ah lagu qaato, in kastoo dhaawacana ay ku jiraan ciidamadii dagaallamay.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in israsaaseyntu ay qaraxday markii ciidamadu ay isku maandhaafeen hab-qeybinta kaararkaasi barakacayaasha loogu talo-galay.

Dadkii ku dhaawacmay iska hor imaadkaasi ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa u sheegay VOA in ay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah ciidamadii dadka laayay, qaar kalena lagu dabo joogo.

Guddoomiyaha ayaa ugu yeeray ciidanka dadka rayadka ah laayay in ay ahaayeen mooryaan waxa uuna ka meermeeray in ay yihiin ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG