Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Thailand: Qaraxu Ma Ahayn Mid Argagixiso


Haween jooga goobtii qaraxa uu ka dhacay
Haween jooga goobtii qaraxa uu ka dhacay

Afhayeen u hadlay milatariga Colonel Winthai Suvaree ayaa sheegay in aaney u muuuqan dhacdadan mid xiriir la leh argagixiso caalami ah.

Saraakiisha dalka Thailand ayaa sheegay in qarixii toddobaadkan ka dhacay Bangkok oo ay ku dhinteen dhowr qof laga yaabo in ay qorsheeyeen ugu yaraan 10 qof oo aay ku jiraan qaar ajnabi ah, laakin aaney aaminsaneeyn in ay geeysteen koox argagixiso oo caalami ah.

Afhayeen u hadlay milatariga haya talada dalkaasi Colonel Winthai Suvaree oo ka hadlay teleefishinka ayaa sheegay in aaney u muuuqan dhacdadan mid xiriir la leh argagixiso caalami ah.

Colonel Suvaree ayaa intaasi ku daray in dadka shiineeska aaney ahayn kuwa lagu bartilmaameeystay weerarkaa goobta lagu cibaadeysto ee Erawan oo ah goob ku caan ah dad shiinees ah iyo dalxiisayaal ajnabi ah.

Dawladda Thailand, ayaa arbacadii soo saartay warqad lagu soo xiray nin la rumeysan yahay in uu weerarka ka dambeeyay, iyadoo qofkii soo sheegay akhbaaraat la xiriira soo qabashadiisa lagu abaal marin doono 28 kun oo dollar.

XS
SM
MD
LG