Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Thailand oo Baahisay Sawirka Nin la Tuhmayo


Booliiska ayaa baahiyey sawir la qiyaasay. August 19, 2015.
Booliiska ayaa baahiyey sawir la qiyaasay. August 19, 2015.

Sawirka ay baahiyeen mas’uuliyiinta ayaa waxaa ka muuqda nin dhallinyar oo leh timo madow oo tag taagan, islamarkaana xiran ookiyaale.

Mas’uuliyiinta dalka Thailand ayaa baahiyey sawir la qiyaasay oo ah ninka la rumeysan yahay inuu ka dambeeyey qaraxyadii bombaano ee 22-ka qof ku dilay goob lagu cibaadeysto oo ku taalla magaalada Bangkok.

Madaxa booliiska, Somyot Poompanmoug ayaa sheegay in la rumeysan yahay in ninkaas uu qeyb ka yahay shabakad, laakiin weli lama helin sababihii uu weerarka u fuliyey iyo dhalashadiisa midna.

“Keligiis ma uusan fulin, taas waa hubaal, waa shabakad” ayuu Somyot yiri arbacadii, laba maalmood kadib markii qaraxyada ay ka dhaceen goobta dadka wax ku caabudaan ee Erawan.

Sawirka ay baahiyeen mas’uuliyiinta ayaa waxaa ka muuqda nin dhallinyar oo leh timo madow oo tag taagan, islamarkaana xiran ookiyaale. Saraakiisha waxay sheegeen inuu noqon karo qof u dhashay dalkaas ama qof ajnabi ah.

Waxaa la yaboohay 28,000 oo dollar oo lasiin doono qof kasta oo bixiya akhbaar hogaamin karta in lasoo xiro.​

XS
SM
MD
LG