Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyihii Ciidanka oo Xilka laga Qaaday


Askar ka tirsan ciidamada dowladda
Askar ka tirsan ciidamada dowladda

Taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), ayaa xilka laga qaaday, waxaana xilkaasi loo magacaabay Jeneral MAxamed Adan Axmed.

Taliyihii ciidamada Soomaaliyeed Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), ayaa xilka laga qaaday.

Golaha wasiiradda ayaa maanta kulan ay yeesheen xilkaasi ugu magacaabay General Maxamed Adan Axmed oo baddali doona Indho-Qarshe.

Si rasmi ah looma sababta ka danbeysa xil ka qaadista Indho-Qarshe, waxaana xilkan laga qaaday isagoo haatan dalka ka maqan.

War-Saxaafadeed laga soo saaray xafiiska RW ayaa lagu sheegay in Taliyaha cusub ee ciidamada Soimalia loo magacaabay Janaral Maxamed Aadan Axmad oo waxbrashadiisii ciidannimo ku soo qaatay kulliyadda ciidanka ee Masar, kulliyada hogaaminta ciidanka Ruushka ee Moscow iyo kulliyada dagaalka ee dalka Mareykanka.

XS
SM
MD
LG