Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia Oo Duqeymaha Syria "Sii Wadeysa"


Russia Lavrov
Russia Lavrov

Wasiirka arrimaha dibedda Russia, Sergei Lavrov ayaa sheegay inuusan arag sabab loo joojiyo weerarada ka dhanka ah "Argagixisada"

Wasiirka arrimaha dibedda Russia, Sergei Lavrov ayaa arbacada (2/3/16) sheegay in milatariga dalkiisa aysan joojin doonin duqeymaha ay ka wadaan Syria inta “Ururada Argagixisada” ee halkaas jooga laga adkaanayo.

Hadalkiisa ayaa yimid ayada oo QM ay isku dayeyso inay sii waddo wada-hadallada aan cagaha badan ku taagan ee Syria, maalin kadib markii dowladda iyo mucaardka Syria aysan wax wada hadal rasmi ah la yeelan ergeyga QM, Staffan de Mistura.

Levrov waxa uu si gaar ah u qeexay in kooxda xiriirka la leh Al-Qacida ee Jabhat al-Nusra ay tahay bartilmaameedka duqeymahooda, isaga oo sheegay inuusan arag sabab loo joojiyo.

Russia, ayaa waxaa dalalka reer galbeedka ay ku dhalleeceeyeen inay weerarada la beegsato kooxaha mucaaradka, intii ay beegsan lahayd mintidiinta, eedyemahaasi oo Russia ay beenisay.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry ayaa talaadadii ku baaqay in lasoo geba gebeeyo duqeymaha, islamarkaana si deg deg ah xabad joojin looga dhaqan geliyo Syria.

XS
SM
MD
LG