Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suxufiyiinta oo 21 Maalin Xirnaan Doona


Cawil Daahir Salaad
Cawil Daahir Salaad

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay iyo Safiirka Britain ee Soomaalya Harriet Mathews ayaa iyaguna sheegay inay ka walaacsan yihin xarggaasi.

Hay’adaha u dooda xuququda aadanaha iyo kuwa warbaahinta ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in degdeg loo sii daayo laba suxufi oo ka tirsan telefiishanka UNIVERSAL oo maalintii Jimcihii ay xireen ciidamada amniga ee dawladda Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay iyo Safiirka Britain ee Soomaalya Harriet Mathews ayaa iyaguna sheegay inay ka walaacsan yihin xarggaasi.

Labadan saxafi oo kala ah Cawil Daahir Salaad iyo Cabdullahi Xirsi Kulmiye, ayaa xabsiga kusii jiri doona 21 maalmood, kadibna maxkamad la horgeyn doono, sida uu sheegay madax wararka Universal ee Muqdisho Cabdicasiis Ibraahim Axmed OK.

Cabdicasiis OK, ayaa sheegay in sidoo kale hay’adda nabad sugidda ay u diidday inay qabsadaan garyaqaano u dooda suxufiyiinta oo difaaca.

Warbixin ku saabsan xarigga sii socda ee weriyayaasha iyo baaqyada isa soo taraya waxaa Muqdisho nooga diyaarisay Saynab Abuukar.

Warbixinta Seynab Abuukar
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:13 0:00

XS
SM
MD
LG