Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suuqyada Dalalka Asia Oo Hoos Usii Dhacaya


Suuqyada Tokyo, Shanghai iyo Hong Kong ayaa dhammaantood lumiyey dhowr dhibcood, xilli ay weli hoos usii dhacayaan.

Suuqyada Asia ayaa khamiista (1/21/2016) sameeyey is-beddelo yaab leh, hase yeeshee waxa ay ugu dambeyn kusoo xirmeen heer hoose, ayaga oo sii wada hoos u dhacooda, sababo la xiriira walaac laga qabo qiimaha saliidda ee hoos usii dhacaya, iyo korarka dhaqalaha adduunka ee gaabiska ah.

Suuqa Tokyo ayaa kusoo xirmay hoos u dhac 2.5 boqolkiiba ah, isaga oo tirtiray sare u kacii billowga maalinta. Suuqa Shanghai ayaa lumiyey 3 boqolkiiba, halka suuqa Hong Kong uu kusoo xirmay hoos u dhaca 2 boqolkiiba ah.

Khubarada ayaa arrintan ku eedeynaya maal-gashtayaasha iska iibinaya saamiyadooda ayaga oo ka cabsi qaba qiimaha saliidda ee hoos u dhacaya iyo korarkii dhaqaalaha China ee gaabiska ah.

Qiimaha saliida ceyriinka ah, oo hoos u dhacayey tan iyo sanaddii 2014, ayaa sare u kac yar sameeyey khamiistii, hase yeeshee walaaca ayaa ah mid weli taagan.

Qiimaha saliida ceyriinka ah ee Mareykanka ayaa toddobaadkan gaaray heerkii ugu hooseeyey muddo 12 sano ah, taasi oo dhaawac gaarsiisay qiimaha saamiyada shirkadaha tamarata, oo qeyb muhiim ah ka ah suuqyada saamiyada.

Arbacadii ayaa waxaa sidoo kale suuqyada saamiyada Mareykanka ee S&P 500 iyo Dow waxa ay hoos u dhaceen 1.2 iyo 1.6 boqolkiiba.

XS
SM
MD
LG