Sunday, May 19, 2013 Wakhtiga Geeska Afrika 06:06

War / Soomaaliya

Faaqidaadda: Dabagalka Soomaalida Qurbaha

Amniga garoomadaAmniga garoomada
x
Amniga garoomada
Amniga garoomada
Qiyaasta qoraalka - +
Gobolka Minesota ee ay Soomaalidu sida weyn u degto ayaa toddobaadkan laga sheegay inay weli ka baxayaan dhalinyarao Soomaali ah oo ku biiraya ururka Al-Shabab.

Dhinaca kalena, dhaqdhaqaaqa dhalinyarada Soomaalida ah ayaa sannadihii ugu dambeeyey ka dhigtay dadka Soomalaida ah kuwo si gaar ah looga ugaarsado garoomada diyaaradaha ee laga dhoofo ama laga soo dego. Hay’adaha qaabilsan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta ee Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalidu ugu badan yihiin dadka xilligan lagu joojiyo garoomada.
Discussion
Loading
12:00:00 / -:--:--


Haddaba baadhitaan ay samaysay idaacaddan VOA ayaa muujinaya in muwaadinin Soomaali ah oo deggan waddamada reer galbeedka gaar ahaan Biritan iyo Maraykanka oo qaarkood looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin Al-Shabab ay si gaar ah u ugaarsadaan hay’adaha amniga ee waddamadaas, oo ku joojiya garoomada, ka reeba diyaaradaha, dhagaysta telefoonnada,  isla markaana ku dhex ceebeeyo bushada.

Shaqsiyaadkan midkoona laguma helin inay ku lug leeyihiin falal argagixiso, waxaase si joogta ah ay ciidamada amnigu u weydiiyaan su’aalo la xiriira ururka Al-Shabab.

Barnaamijkan Faaqidaadda Toddobaadka waxaan ku eegayaa saddex waaya-aragnimada qaar ka mid ah Soomalaid alaga ugaarsado garoomada; nooca dabagalka lagu hayo iyo sida Soomaalidu uga hortagi karto qaab sharciga waafaqsan. Haaruun Macruuf ayaa soo diyaariyey.

Dhagayso barnaamijka