Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali ku Dhex Go'doonsan Badda Cas


Dooni ay la socdaan dhalinyaro ka badan 30 oo laga tahriibiyey xeebaha Puntland ayaa sabbaynaysa biyaha badda cas kadib markii sida la sheegay uu shidaalkii ka dhammaaday.

Wararka ka imanaya Puntland ayaa sheegaya in dooni ay la socdaan dhalinyaro ka badan 30 oo laga tahriibiyey xeebaha Puntland ay sabbaynayso biyaha badda cas kadib markii sida la sheegay uu shidaalkii ka dhammaaday.

Waalidiinta oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in dhalinyaradaasi loo waday dalka Yemen ayna ka cabsi qabaan in loo geeyo kooxaha xagjirka ah ee waddankaasi ka jira.

Haaruun Macruuf ayaa khadka telefoonka ee Boosaaso kula xidhiidhay laba ka mid ah waalidiintaasi oo lagu kala magacaabo Aadan Jaamac Maxamuud oo uu ka maqan yahay wiil 22 jir ah iyo iyo Hodan Faarax Cismaan oo uu ka maqan yahay wiil 18 sano jir ah.

Hadalka waxaa ku horayna Aadan Jaamac Maxamuud, hoos ka dhageyso wareysiga.

Wareysi: Dooni go'doonsan
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:15 0:00

XS
SM
MD
LG