Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kansas: Dacwad Lagu Oogay Laba Nin Oo 3 Somali Ah Weeraray


Wasaaradda Caddaaladda
Wasaaradda Caddaaladda

Laba nin oo sannadkii hore dhalooyin ku weeraray Soomaali ku nool Gobolka Kansas ayaa dacwad lagu soo oogay shalay oo Arbaca ahayd.

Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa dacwad kusoo oogay laba nin oo lagu eedaynayo inay weerar u gaysteen saddex nin oo Soomaali ah bishii June ee sannadkii hore.

Weerarkan ayaa ka dhacay magaalada Dodge ee Gobolka Kansas, waxaana nimankaasi lagu soo eedeeyey dacwado la xiriira inay gaysteen fal dambiyeed nacayb xambaarsan.

Dacwad oogista ayaa sheegtay in labadaasi nin ay bartilmaameedsadeen ragga Soomaalida, sababtoo ah isirkooda iyo dhalashadooda darteed.

Waxaa kale oo lagu eedeeyey inay isticmaaleen quraarado markii ay weerareen saddexdaasi nin 19-kii June 2015-ka.

Laba ka mid ah saddexda nin ee Soomaalida ah ayaa waddankan ku joogay qaab sharci ah xilliga uui weearku dhacay.

Dacwaddan ayaa haddii lagu helo labadaasi nin waxay ku mutaysan karaan ugu badnaan xabsi dhan 10 sano iyo ganaax dhan $250,000.

Maadaama dacwaddan la xiriirto fal dambiyeedka nacaybka ku salaysan ayaa baadhitaanka kiiska waxaa ka qayb galay hay’adda dhexe ee dambi-baarista Mareykanka ee FBI.

XS
SM
MD
LG