Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Somaliland oo Qabsaday Saaxdheer


Magaalada Saaxdheer waxay ilaa bishan fahdi u ahayd maamulka Khaatumo State, waxaana dhowaan lagu doortay Madaxweynaha cusub ee Khaatmo Dr Cali Khaliif Gallaydh.

Waxaa la qoorshaynayey in Saaxdheer maanta lagu dhaariyo Madaxweynaha Khaatumo Dr Cali Khaliif Gallaydh.

Warar laga helayo dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay saaka weerar ku qaadeen Saaxdheer iyadoo magaalada uu ka dhacay dagaal qaraar.

Wararku laga helay goobjoogayaal magacooda qariyey ayaa sheegay in baabuur dagala la gubay, dhimashana ay ka dhacday labada dhinacba.

Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta magaalada.

Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Gallaydh iyo mas'uuliyiinta kale ee lagu waday inay ka qaybgalaan xafladda dhaarinta ayaan ilaa hadda la ogayn halka ay ku sugan yihiin.

XS
SM
MD
LG