Isku xirrada

War Deg-Deg ah

22 Askari oo Lagu Dilay Ruunirgood


Ciidamada dowladda
Ciidamada dowladda

22 ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay kadib markii al-Shabaab ay weerar culus ay dib ugu qabsatay degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo ciidamada dowladdu ay shalay qabsadeen.

al-Shabaab ayaa sheegatay inay 32 askari ku dishay dagaalka, laakiin Maxamed Maxamuud Sanay oo ah taliye ciidamada Soomaaliya ka tirsan ayaa sheegay in 8 askari laga dilay, halka ay al-Shabaab ka dileen 12.

Taliyahan ayaa sheegay in ciidamadu ay shalay qabsadeen degmada Runirgood, iyagoon wax taageerro ah ka helin ciidamada AMISOM.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay sugayeen in ciidamada AMISOM ay gurmad u soo direen, balse aanay helin gurmadkaasi.

Taliyaha ayaa sheega in ciidamada AMISOM iyo abaanduullaha ciidamada Somalia ay mas'uul ka yihiin guuldarada soo gaartay ciidamada Soomaaliya, sababtuna ay tahay wadashaqeyn la'aan iyo isfamah la'aan yar oo ka dhexjira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Taliyaha ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan cidiamada dowladda lagu dhaawacay dagaalka, ilaa imika la la'yahay.

Dhageyso wareysiga ay VOA la yeelatay taliyaha Generaal Sanay.

Dhageyso Weerarka al-Shabab
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:09 0:00

XS
SM
MD
LG