Isku xirrada

War Deg-Deg ah

VOA oo Waraysatay Madaxweyne Xasan


Idaacadda VOA ayaa waraysi la yeelatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Washington DC.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku jooga magaaladan Washington DC ayaa waraysi khaas ah siiyey idaacadda VOA.

Waraysiga waxaa la yeeshay madaxa Idaacadda VOA qaybteeda afka Soomaaliga Cabdiraxmaan Yabarow.

Madaxweynaha ayaa waraysiga ku sheegay inuu mar kale yahay musharrax u taagan doorashada madaxweynenimo ee sannadkan ka dhacaysa Soomaaliya.

Waraysiga ka horna waxa uu madaxweynuhu khudbad ka jeediyay Machadka Nabadda ee Maraykanka ee xaruuntiisa tahay magaaladan Washington DC, madxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay arrimo ay ka midyihiin marxaladda ay Soomaaliya maanta marayso.

Hoos ka dhagayso qayb kooban oo ka mid ah waraysiga Madaxweynaha iyo warbixinta ku saabsan khudbadda uu ka jeediyay machadka USIP, oo uu inoo diyaariyey Xuseen Barre.

Waraysi & Warbixin
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:11:22 0:00

XS
SM
MD
LG