Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaaraha oo Ka Jawaabay Baaqii Wasiirrada


War saxaafadeed uu ka soo saaray magaalada Muqdishu ayaa Ra'iisul Wasaaruhu uu tallaabada ay qaadeen Wasiiraddu uu ku tilmaamay nasiib darro, waxaana xafiiskiisu sheegay in warqadaas aysan soo gaarin xafiiskiisa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu baaqay in awoodda fulinta dalka ay howlahooda shaqo u gutaan si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay inuusan aqbali doonin wax alla wixii ka horjeeda dastuurka iyo sharciyada dalka.

Hadalka Ra'iisul Wasaaraha ayaa ka dambeeyey kadib markii 14 Wasiir oo ka mid ah 25-ka xubnood ee Golaha Wasiirrada ay ay qoreen warqad ay ku sheegayaan in khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha uu halis ku yahay gudashada shaqada xukuumadda.

Dhinaca kalena Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u kicitimay dlaka Denmark halkaasi oo uu kaga qaybgeli doono Shirka Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayuu u dhexeeyaa khilaaf adag oo bilowday bishii hore kadib markii uu Ra'iisul Wasaaruhu isku shaandhayn kooban ku sameeyey Golihiisa Wasiirrada taasi oo markiiba uu ku gacansayray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay inaan tallaabadaas lagala tashan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laba kulan oo ay yeesheen ku guuldarraystay inay qaybiyaan mooshin kalsoonida lagala laabanayo Ra'iisul Wasaaraha oo ay saxiixeen ugu yaraan 140 xildhibaan.

XS
SM
MD
LG