Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia: Kenya Way Walaacsan Tahay


Map of Somalia
Map of Somalia

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in Dowladda Kenya ay ka welwelsan tahay kiiska sharciyeed ee dhinaca badda ee ay Somalia u gudbisay maxkmadda caalamiga ah, sidaa daraadeedna ay diidmo kala hor timid.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliha guud ee Qaranka Somalia Axmed Cali Daahir, ayaa lagu sheegay in gudbinta ay dowladda Kenya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah dacwad kale oo ay kaga soo horjeedo dacadda badda ee Somalia ay ka marqaati kacayso xadgudubka badda Soomaaliya, islamarkaana rabitaankeeda uu ku saleysan yahay in xaaladdu ay ahaato sida hadda ay tahay oo aaney waxba isbedellin.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Xeer ilaaliyuhu uu ku kalsoonyahay in maxkamadda caalamiga ah ay diidi doonto, tallaabada Kenya ay dooneyso inay kaga dhuumato cadaaladda.

War saxaafadeedkan ayaa daba socda qoraal ay Dowladda Kenya ay si rasmi ah ugu diidey dacwadda la xiriirta badda ee Soomaaliya oo ay u gudbisey maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ).

Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa ku sheegey dacwada Somalia in ay tahay mid aan sharci aheyn.

XS
SM
MD
LG