Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo Culus oo ka Dhacay Agagaarka Buur Hakaba


Al Shabab
Al Shabab

Dagaallo culus oo bilowday shalay gelinkii dambe ayaa ilaa saaka ka dhacay degaan ilaa 30km u jira magaalada Buur Hakaba ee Gobolka Bay.

Dagaallada ayaa dhacay kadib markii maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weerar kedis ah ku qaadeen kolonyo ciidamada Itoobiya ah oo sahay galbinaysay.

Weerarkan ayaa la sheegay in maleehsyada al-Shabab ay ku gubeen ugu yaraan laba baabuur oo mid tahay booyad oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya. Waxaa kale oo wararku sheegayaan in halkaasi khasaare nafeed ka dhacay.

Ciidamada Itoobiya ee la weeraray ayaa la sheegay inay xalay ku hoydeen degaankaasi isla markaana ay gurmad dirsadeen. Has yeeshee gurmadka dambe oo ka yimid dhinaca Baydhaba ayaa lagu soo warramayaa in mar kale ay weerar ku qaadeen Al-Shabab saacadihii hore ee saaka.

Weerarkan ayaa la sheegay in ciidamada Itoobiya ay saddex baabuur oo kuwa dagaalka ah uga qabsadeen Al-Shabab, sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah, khasaare nafeedna uu dhacay.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu haatan u eg yahay mid qaboobay. Maleeshiyada Al-Shabab ee weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay qaarkood dib ugu gurteen degmada Goobaale ee Gobolka Hiiraan, halka kuwo kalena aya soo aadeen dhinaca Dugulle ee Gobolka Shabeellada Hoose.

XS
SM
MD
LG