Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada AMISOM Iyo SNA oo Ku Jeeda Ceel Cadde


Wararka ka imanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay kusii socdaan magaalada Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

Magaaladaasi ayaa maalintii Khamiistii uu ka dhacay dagaal culus kadib markii ay soo weerareen maleeshiyada Al-Shabab, waxaa dagaalkaasi ku dhintay askar badan sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Gobolka.

Taliyaha ciidamada dawladda ee Gobolka Gedo Jeneraal Cabbaas Ibraahim Gurey ayaa VOA u sheegay inay ilaa lix kilomitir u jiraan magaalada.

Wararka aanu ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya in Al-Shabab ay ka baxeen magaalada Ceel Cadde.

Jeneraal Cabbaas ayaa idaacadda VOA u sheegay in weerarkaasi intii uusan dhicin la helay xog ku saabsan inay Al-Shabab weerar soo qaadayaan laguna wargeliyey ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM labadaba.

Al-Shabab waxay sheegeen inay dileen in ka badan 100 askari, balse ma aha tiro si madaxbannaan loo xaqiijiyey. Dawladda Kenya ma sheegin tiro sax ah oo ciidankeeda oo ku dhintay dagaalkaasi hase yeeshee war saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa lagu sheegay in dagaalkan uu saameeyey "ciidan leh baaxadda unug" ciidan ah.

XS
SM
MD
LG