Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afar Qof oo Ku Dhimatay Qarax Iyo Rasaas Ka Dhacay Baydhaba


Bartamaha Baydhabo
Bartamaha Baydhabo

Warar goor dhowayd naga soo gaaray magaalada Baydho ee gobolka Bay ayaa sheegayo in halkaasi ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen 11 kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii bam gacmeed uu tuuray qof la sheegay inuu yahay ciidamada militariga magaalada Baydhabo.

Ciidamada amniga ayaa iyagana la sheegay inay rasaas rideen qaraxa bambkaasi kadib.

Afarta qof ee dhimatay iyo 11 ka dhaawacmay ayaa u badnaa dad rayid ah oo ku ganacsanayey goob u dhow meesha uu shilkaasi ka dhacay.

Ilaa hadda ma cadda midka ay dhimashada ka timid - qaraxa bambada iyo rasaastii ka dambaysay ee la riday.

Xaalada goobta ayaa dagan waxaana goobta la geeyey ciidamo amniga sugayo iyadoo la qabtey askarigii bomka tuurey.

XS
SM
MD
LG