Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Sheegtay Duqayn Ka Dhacday Hiiraan


Dadka tuulo joogta ah iyo saraakiil ayaa sheegay in duqaynta dhacday lala beegsaday saldhig u dhexeeya tuulooyinka Dhariyow iyo Ceel Dibi oo lagu magacaabo Raso habeennimadii Axadda.

Waxay goobjoogayaashu sheegeen in saldhigga la weeraray uu dhinaca galbeed ilaa 70 km ka xigo magaalada Buulabarde.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dishay ilaa 150 mintidiinta Al-Shabab ah.

Jeff Davis af-hayeenka Pentagon ayaa sheegay in goobta la bartilmaameedsaday ay 150 kilometer dhinaca waqooyi ka xigto Muqdishu.

Waxa uu sheegaya in maleeshiyada la bartilmaameedsaday ay isku diyaarinayeen inay halis geliyaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa Midowga AFrika ee Soomaaliya jooga.

Goobjoogayala ayaa VOA u sheegay in diyaarad ay saddex gantaal ku ridday goobta weerarka hore kadibna weerar labaad ay haddana ku dhufatay saddex gantaal oo kale.

Korneel Maxamed Cumar oo ah Taliyaha Guutada Tobnaad ee ciidamada dawladda ayaa VOA u sheegay inay maqleen inya goobta ku dhinteen ilaa 69 maleeshiyo ah, 43 kalena ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab oo la duqeeyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:48 0:00

XS
SM
MD
LG