Tuesday, May 21, 2013 Wakhtiga Geeska Afrika 18:53

War / Soomaaliya

Siyaasiyiin Laga Reebay Liiska Baarlamaanka

C/casiis, C/llaahi iyo C/raxmaanC/casiis, C/llaahi iyo C/raxmaan
x
C/casiis, C/llaahi iyo C/raxmaan
C/casiis, C/llaahi iyo C/raxmaan
Qiyaasta qoraalka - +
Ahmed Hassan Olad
Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliya ayaa wasiirro iyo siyaasiyiin hore ka reebay liiska xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka cusub.
Xubnaha la soo celiyay waxaa ka mid ah, C/laahi Sh. Ismaaciil oo soo noqday wasiirkii arrimaha dibedda, C/raxmaan Ibbi, wasiirkii kaluumaysiga iyo C/casiis Sheekh Yuusuf oo ah wasiirka caafimaadka.
Xubnaha ayaa lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen hoggaamiye kooxeedyadii dagaalka ee Soomaaliya, eedaasi oo ay si weyn u diideen.
Odoyaasha dhaqanka ee xubnaha la soo celiyay si weyn u diiday in dib u soo celinta waxayna guddiga farsamada ku eedeeyeen inaysan xaq u lahayn in xubnahooda ay soo celiyaan.
Hoos ka dhageyso wareysiyo ay VOA la yeelatay odoyaasha dhaqanka iyo C/casiis Sheekh Yuusuf iyo C/laahi Sh. Ismaaciil.