Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siilaanyo Oo Wasiiro Cusub Soo Magacaaby


Siilaanyo
Siilaanyo

Xubnaha cusub ee uu magacaabay Siilaanyo ayaa ka kooban toddoba, waxayna buuxin doonaan jagooyinkii ay shalay iska casileen wasiiro iyo wasiir ku xigeenno.

Madaxweynaha Somaliland Axamed Maxamed Siilaanyo, ayaa mas’uuliyiin cusub u magacaabay xilal ay shalay iska casilee wasiiro iyo wasiir ku xigeenno ka mid ahaa xukuumaddiisa.

Wareegto kasoo baxday madaxtooyada oo uu ku saxiixnaa Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu xubnahan soo socda u magacaabay jagooyinka lagu xusay:

1. Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland(Hore Duulista).

2. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Somaliland (Hore Xildhibaan).

3. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Arrimaha Nabadaynta ee Gobolada Bariga).

4. Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Somaliland ( Hore Wakiilkii Kenya u fadhiyey Somaliland).

5. Dr. Sacad Cali Shire, waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland (Hore Wasiirkii Qorshaynta Qaranka).

6. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Maaliyada).

7. Xuseen Aaden Cige (Deyr), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland.

XS
SM
MD
LG