Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siilaanyo Oo Eedeeyey Dowladda Soomaaliya


Siilaanyo
Siilaanyo

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay "in dowladda Soomaaliya ay carqaladeyn ku hayso nabadda iyo wada-jirka dadka Somaliland".

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa maanta oo Isniin ah (1/11/2016) Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay Somaliland ka wadaan arrimo ka dhan ah nabadda iyo wada jirka dadka Somaliland.

Madaxweyne Silaanyo oo maanta khudbad sandeedkii dastuuriga ahayd u jeediyey labada gole ee Wakiilada iyo Guurtida Somaliland, ayaa sheegay “In dowladda Soomaaliya ay soo abaabuleen kooxo khal khal galinaya deganaansha Somaliland”.

Siilaanyo ma uusan shaacin waxa ay yihiin kooxahan uu sheegay inay dowladda Soomaaliya soo abaabushay.

Waxa uu sheegay in Somaliland aysan u dul qaadan doonin “In lagu xadgudbo ciideeda iyo calankeeda”, Islamarkaana Somaliland ay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay taas ixtiramato.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay diyaari u yihiin inay dar-dar geliyaan wada-hadallada u dhaxeeya labada dhinac.

Khudabaddiisa, ayuu Siilaanyo kaga hadlay dhowr arrimo oo kale, oo ay ka mid yihiin siyaasadda arrimaha dibedda, qiimo dhaca shilinka Somaliland, nabad galyada, garsoorka iyo caddaaladda iyo xiisadda ka dhex oogan dalalka Sacuudiga iyo Iran.

Weriyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa warbixintan soo diray.

Siilaanyo Oo eedeeyey dowladda Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:33 0:00

XS
SM
MD
LG