Isku xirrada

War Deg-Deg ah

14 Ku Dhimatay Dagaal Ka Dhacay Beledweyne


Beledweyne
Beledweyne

Dagaalka ayaa waxa uu dhex maray laba maleeshiyo beeleed, oo mid ka mid ah ay dalbatay in gaari xamuul ah laga siiyo canshuur, halka kooxdii kalena ay diiday.

Ugu yaraan 14 ruux ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodeen, tiro 20 ka baddanna ay ku dhaawacmeen, dagaal maanta duhurkii ka dhacay xaafada Howl-Wadaag ee galbeedka magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dadka ku geeriyooday dagaalka ayaa waxaa u badan maleeshiyadii dagaalka uu dhex maray.

Iska horimaadka ayaa u dhaxeeyay laba maleehsiyo beeled oo kuwada sugan xaafadda Howlwadaag, sida uu kusoo warramay weriyaha VOA-da ee magaalada Beledweyne Xuseen Xasan Dhaqane.

Dagaalka ayaa ka dhashay markii labada maleeshiyo beeleed ay isku qabteen gaari xamuul ah, oo mid ka mid ah labada maleeshiyo beeled ay dalbatay in canshuur laga siiyo, halka kooxdii kalena ay ku gacan seertay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka markii dambe ay ka qeyb qaateen gaadiidka dagaalka ee Tiknikada loo yaqaan.

Waxaa socda dadaal waan-waan ah oo ay wadaan odayaasha iyo waxgaradka magaalada, oo lagu doonayo in la joojiyo dagaalka.

XS
SM
MD
LG