Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Madasha Oo U Dhow In Lagu Heshiiyo


Shirka Madasha
Shirka Madasha

Wararka ayaa sheegaya in ay u badan tahay in la isku raaco in 4.5 lagu soo xulo baarlamanka, halka aqalka sarena lagu soo xuli doono 18-ka gobol.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee magaalada Muqdisho, ayaa hakad ku jira, waxaana socda shirar gaar gaar ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo muhiim u ah shirka ayaa dalka ka maqan, waxaana socda shirar gaar ah oo ay lee yihiin xubnaha ka qeyb galaya shirka ee maamul goboleedyada.

Shirarkan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Michael Keating iyo xubno kale oo beesha caalamka ka socda.

Sida uu sheegayo weriyaha VOA ee Muqdisho Jacfar Kuukaay, waxaa jira heshiis horudhac ah, waxaana ay u badan tahay in la isku raaco in 4.5 lagu soo xulo baarlamanka, halka aqalka sarena lagu soo xuli doono 18-ka gobol ee Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey waxaa Muqdisho kasoo diray Jacfar Kuukaay.

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka madasha
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:40 0:00


XS
SM
MD
LG