Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shariif Xasan Oo Xilka Ka Qaaday Siidii


Shariif Xasan oo is Sharrixi doona
Shariif Xasan oo is Sharrixi doona

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii, ayaa waxa uu gobolka Shabeelada Hoose maamulayey muddo ka badan sideed sano.

Madaxweynaha maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellada Hoose u magacaabay Ibraahim Aadan Cali oo ku magac dheer Najax.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa wareegto ku sheegay inuu qaatay go’aankan, kadib markii wada tashiyo kala duwan uu la yeeshay siyaasiyiinta, odoyaasha iyo dadka deegaanka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wareegtada Shariif Xasan ayaa sidoo kale lagu xusay in guddoomiyaha cusub uu yahay nin dhallinyaro ah, oo firfircoon oo wax weyn ka qaban kara xaaladda gobolka.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii, ayaa waxa uu gobolka Shabeelada Hoose maamulayey muddo ka badan sideed sano.

Warkan waxaa magaalada Baydhabo ka soo diray Weriyaha VOA Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Xil ka qaadista Siidii
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:06 0:00

XS
SM
MD
LG