Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo Xiray 5 ka Mida Ajaaniibtooda


Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay inuu soo saaray amar mamnuucaya jeedinta khudbado ama hadallo ururka dhexdiisa ka abuuraya iska horimaad ku saabsan ku biiritaanka ururka Daacish ama ISIS.

Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu soo saaray amar mamnuucaya jeedinta khudbado ama hadallo ururka dhexdiisa ka abuuraya iska horimaad ku saabsan ku biiritaanka ururka Daacish ama ISIS.

Qoraal soo baxay bishan ayaa la sheegay in ururku uu ku adkaystay inuu ka mid ahaado Al-Qaacida, isla markaana meel cad ay ka istaagi doonaan ciddii dariiqaas ka leexata.

Muddo, ayaa Al-Shabaab, waxa ay dhexdeeda isku haysay inay ku biiraan Daacish, sida ay xubnaha kooxda qaarkood ay soo jeediyeen ama ay kasii mid ahaadaan Al-Qacida.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay shalay shan qof oo ajaanib ah ku qabteen magaalada Jamaame, kuwaasi oo ay soo xireen amniyaatka Al-Shabaab.

Haaruun Macruuf ayaa warbixintan noo haya.

Warbixinta Haaruun Macruuf
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:19 0:00

XS
SM
MD
LG