Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarkaal Afghani Ah Oo dilay 10 Sarkaal oo Kale


Kabul, Lashkargah, iyo gobolka Uruzgan ee Afghanistan.
Kabul, Lashkargah, iyo gobolka Uruzgan ee Afghanistan.

Sarkaalka falkan geystay saaka, ayaa lagu warramay inuu xiriir la lahaa dagaalyahannada kooxda Taalibaan.

Saraakiisha dalka Afghanistan ayaa sheegay in nin booliis ah oo la tuhusan yahay inuu xiriir la lee yahay Taalibaan uu 10 sarkaal oo booliis ah talaadada (1/26/2016) ku dilay gobolka Uruzgan.

Rabshaddan ayaa aroortii hore ka dhacday bar booliiska ay ku lee yihiin degmada Chinarto.

Afhayeen u hadlay guddoomiyaha gobolka Uruzgan ayaa sheegay in sarkaalka falkan geystay uu daroogeeyey saaxiibadiisa ka hor inta uusan dhammaantood toogan.

Waxa uu intaas ku daray in sarkaalka la rumeysan yahay inuu dilalka geystay uu ka abxsaday goobta, isaga oo horey u kaxeystay baabuur uu ku qaatay hub iyo qalab kale.

Afhayeenka Taalibaan Qari Yusuf Ahmadi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegaydhacdo taas ku duwan.

Waxa uu sheegay in Taalibaanka ay weerareen oo ay qabsadeen saldhigga booliis, ayaga oo dilay dhammaan saraakiishii booliiska ee halkaas joogay.
Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashadiisa.

XS
SM
MD
LG