Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia oo Mar Kale ku Xadgudubtay Turkiga


Syria-Turkey Border
Syria-Turkey Border

Turkiga ayaa mar kale isniintii u yeeray safiirka Ruushka ee dalkaas, kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas ay sheegtay in diyaarad dagaal oo Ruushka uu lee yahay ay mar labaad kusoo xadgudubtay hawada dalkaas.

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ayaa sheegtay in xadgudubka labaad ee Ruushka uu dhacay axaddii.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in xadgudubkaas uu ka dhashay cimilo xun oo ka jirta xadka Turkiga iyo Syria, islamarkaana aysan jirin sabab loogu fakaro jiritaanka shirqoollo Ruushku maleegayo.

Xoghayaha guud ee gaanshaanbuurta NATO Jens Stoltenberg, ayaa maanta oo talaado ah weriyayaasha u sheegay in xadgudubka Ruushka uu sameeyey aysan u ekeen mid kama ah.

“Ma doonayo inaan qiyaaso sababto ay ku dhacday arrintan, waxaanse sheegayaa in tani ay tahay xadgudub weyn oo lagu sameeyey hawada Turkiga, oo ay tahay inaysan dib u dhiicn. NATO waxa ay Turkiga u muujineysaa inay la jirto” ayuu yiri.

XS
SM
MD
LG