Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo Cusub oo ka Dhacay Bakool


dagaal
dagaal
Wararka ka imanaya Gobolka Bakool ee Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo qaraar ay xalay iyo maanta ka dhaceen Gobolkaasi.

Mas'uuliyiinta ku sugan Gobolka ayaa VOA u sheegay in dagaaladu ay ka dhaceen tuulada lagu magacaabo Moorogaabey oo 30 KM u jirta magaalada Xuddur kadib markii ururka al-Shabab maleeshiyadoodu ay halkaasi weerar kusoo qaadday.

Warar aanu ka helayno ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ku dhowaad 20 qof ay ku dhinteen dagaaladan.

Dagaal kale ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu ka dhacay tuulada lagu magacaabo Gubta oo u dhaxaysa Garasweyne iyo Rabdhuure. Ilaa 6 qof ayaa la sheegay inay dagaalkan ku dhinteen kadib markii ciidamada dawladda weerar kedis ah uu uga yimid al-Shabab.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool ayaa dagaallada dhacay uga warramay Daauud Aweis
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:54 0:00
XS
SM
MD
LG