Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ceerigaabo: Rabshado Dhaawacay Sideed Qof


Rabshaddo ka Dhacay Ceerigaabo
Rabshaddo ka Dhacay Ceerigaabo

Inta la ogyahay siddeed qof oo shacab ah ayaa dhaawacmay kadib markii ay isku dhaceen shacab mudaharaadayay iyo ciidamada amniga ee magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Dadweynahan ayaa la sheegay inay ka mudaharaadeen kadib markii ciidamada amnigu ay isku dayeen inay soo xidhaan nin ka tirsan ciidamada oo eedo aan la shaacin loo haystay.

Dadweynaha mudaaharaadayey ayaa dhagxaan waa weyn ku xiray waddooyinka magaalada Ceerigaabo qaarkood, ayaga oo sidoo kalena gubay taayaro.

Laba ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in xalaaddooda ay tahay mid aad halis u ah. Dadka dhaawacmay ayaa gebigoodba waxaa haleelay rasaas la riday.

Warbixintan waxa noo soo diray Weriyaha VOA ee Hargeysa Barkhad Kaariye.

Rabshado Ka Dhacay Ceerigaabo
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:56 0:00

XS
SM
MD
LG