Thursday, May 23, 2013 Wakhtiga Geeska Afrika 15:24

War

Qudbadda Morsi iyo Taariikhdiisa

Qiyaasta qoraalka - +

Maxamed Mursi oo ka tirsan  kooxaha Muslimiinta dalka Masar ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay kan ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee ugu horeysay ee dalkaasi si xor ah uga dhacda, waxuuna balanqaaday inuu ka shaqeynayo midnimo qaran oo uu ilaalinayo heshiiyada caalamiga ah ee ay masar la gashay dalalka dibadda iyo kuwa deriska ah.

Hadalkiisii ugu horeeyay oo uu jeediyay madaxweynaha la doortay axadii shalay, ayuu ku yaboohay aragti ku soo dareysa hogaanka dalka masar dhamaan dhinacyada siyaasadda ee dalkaasi.

Mr. Morsi ayaa ugu baaqay dhamaan dadka reer Masar – Muslimiinta iyo Kiristaankaba iney midoobaan, waxa uu sheegay taasi iney tahay wadada kaliya ee looga gudbi karo waqtiga adag ee ay ku jirto Masar, tan iyo markii kacdoon dadweyne uu meesha ka saaray madaxweynihii mudada dheer dalkaasi ka talinayay Xusni Mubarak, sanadkii la soo dhaafay oo uu dalkaasi galay xaalad ay milatariga awoodda gacanta ku hayaan oo kala guur ah oo rabshada watay.

Qudbadii ugu horeysay ee uu jeediyay shalay  iyo warbixin ka hadleysa taariikh nololeedka madaxweynaha cusub ee Masar halkan hoose ee qoraalka ka dhageyso.

Madashan waa la xiray
faallooyinka
     
Qeybtan faallo kuma jirto. Adigu bilow inaad faallo halkan ku qortid