Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh/Dhexe: 3 Askari Oo Qarax Miino Lagu Dilay


Qarax (Sawir hore)
Qarax (Sawir hore)

Qaraxa oo ka dhacay meel u dhow garoonka diyaarahada Jowhar ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay afar askari oo kale.

Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in saaka qarax miino lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan Kuwa dowladda Soomaaliya.

Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeysa garoonka diyaarahada magaalada Jowhar iyo deegaanka Buurane ayaa waxaa ku dhintay 3 askari oo midkood uu ahaa taliyahii ciidamada hogaaminaayay, 4 kalena waxaa ka soo gaaray dhaawac.

Ciidamada weerarka gaadmada ah lagu qaaday ayaa waxaa ay ku wajahnaayeen degaan lagu magacaabo Cali Fooldheere, halkaas oo lagu waday in ay ka soo qaadaan maleeshiyo Al-Shabaab ka tirsan oo habeen hore ay ciidamada dowlada ku qabteen dagaal ay Al-Shabab kula galeen degaanka Mahadey.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahii ugu dambeyay howlagallo ka waday qeybo ka tirsan gobalka Shabeellada Dhexe.

XS
SM
MD
LG