Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Putin: Turkey Waxa Ay Taageertaa Argagixiso


Vladamir Putin ayaa ku eedeeyey Turkey inay dhabarka ka toogatay Ruushka kaidb markii ay kasoo ridday diyaarad dagaal.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ku eedeeyey Turkey inay dhabarka ka toogatay Ruushka, ayna taageereyso argagixisanimada, kadib markii diyaarad F-16 ah oo Turkiga uu leeyahay ay soo ridday diyaarad dagaal uu Ruushka leeyahay.

Xukuumadda Ankara waxa ay sheegtay in diyaaraddaas lasoo riday kadib markii ay kusoo xadgudubtay hawada Turkiga, ayna iska indha tirtay 10 digniin oo la siiyey 10 daqiiq gudahood.

“Dhacdadan waa mid ka baxsan ajandaha dagaalka joogtada ee ka dhanka ah argagixisada” ayuu yiri Putin oo magaalada Sochi maanta kula kulmay boqorka Jordan boqor Cabdalla.

Putin waxa uu amaanay ciidamada Ruushka ee dagaalka iyo duqeymaha ka wada Syria, oo uu ku qeexay geesiyaal.

“Tallaabada Turkiga ma jito wax lagu macneeyo oo aan ka ahayn inay tahay ficil dhabar ka toogasho oo ay sameeyeen kuwa la jira argagixisada” ayuu yiri Putin.

Putin waxa uu sheegay in Russia ay goor sii horreysay ogeyd in baabuur sida shidaal oo ISIS ay leedahay ay galaan dalka Turkiga, taasi oo argagixisada siineysa lacag ay ku dagaalamaan.

XS
SM
MD
LG