Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Putin Oo Joojiyey Duulimaadyadii Masar


Go'aanka Putin ayaa yimid ayada oo uu jiro tuhun ku saabsan in bam uu soo riday diyaaraddii Ruushka ee ku dhacday dalka Masar toddobaadkii tagay, oo ay ku dhinteen 224 qof.

Madaxweynaha Vladimir Putin ayaa hakiyey dhammaan duulimaadyadii ay diyaaradaha ganacsi ee dalkiisa ku tagi lahaayeen dalka Masar, ayada oo baarayaashu ay weli baarayaan in bam uu soo riday diyaaraddii Ruushka ee ku dhacday dalka Masar toddobaadkii tagay iyo in kale.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa si deg deg ah u qaatay go’aankan kadib markii madaxa ciidamada ammaanka dalkaas e FSB Alexander Bortnkov uu ku talo bixiyey in duulimaadyada la joojiyey inta laga go’aaminayo sababta rasmiga ah ee soo ridday diyaaradda dhacday sabtidii oo ay ku dhinteen 224 qof.

Russia ayaa waxa ay horey ugu gacan seertay oo ay ku tilmaamtay warar aan jirin hadallo ka yimid madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron oo ahaa in kooxda Daacish ay bam saartay diyaaradda.

Afhayeen u hadlay aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Putin uu ku amray dowladda inay ka shaqeyso sidii ay dalkooda ugu soo laaban lahayaeen dadka Ruushka ah ee weli dalxiiska u jooga badda cas.

XS
SM
MD
LG