Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo Lagu Xirey Dad ku Eedeysan Tahriibin


Bosaso: Garsoore Xabsiga la Dhigay
Bosaso: Garsoore Xabsiga la Dhigay

Ciidamada booliska gobolka Bari ee Puntland, ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen seddex ruux oo lagu eedeynaayo inay yihiin kuwa dadka ka tahriibiya deegaannada Puntland.

Taliyaha saldhigga booliska ee dekadda Boosaaso Gaashaanle sare Maxamed Cali Xaashi, ayaa idaacadda VOA u sheegay in sidoo kale ay soo qabteen sagaal dhalinyaro ah oo ka mid ahaa kuwa loo diyaariyay in Yemen loo tahriibiyo.

Xaashi waxa uu sheegay in dadka la soo qabtay ee wax tahriibiya uu ku jiro nin u dhashay waddanka Yemen, ayna sii wadi doonaan baaritaannada.

Dhageyso warbixin ay Boosaaso nooga soo dirtay Faadumo Yaasin Jaamac.

Warbixinta Faadumo Yaasin
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:30 0:00


XS
SM
MD
LG