Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: Sarkaal Dilay 3 Sarkaal Oo Kale


Askariga dilka ka geystay oo isna sidoo kale la dilay, ayaa la sheegayaa inuu madax ka xannuunsanaa.

Sarkaal ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland ayaa toogasho ku dilay saddex sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada Puntland kuwaas oo ku sugnaa aagga buuraha Galgala.

Weerarka ayaa dhacay saaka waaberigii, xilli askarta la dilay ay shaah ku cabayeen goob ka mid ah fariisimaha ciidamada Puntland ee buuraha Galgala.

Abaanduulaha ciidamada daraawiishta Puntland ee aaga Galgala Gaashaanle sare Shire Cumar Cali oo la hadlay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in askariga weerarka qaaday uu madaxa ka xannuunsanaa, ayada oo aysan jirin wax dhibaato ah oo ka dhex taagneyd askariga wax dilay iyo kuwa la dilay.

Gaashaanle sare Shir Cumar Cali waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in askarigii dilka geystay uu isku dayey inuu baxsado, balse ay ka daba tageen askar kale kuwaas oo toogasho ku dilay.

Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan nooga soo dirtay magaalada Boosaaso.

Askari dilay saddex askari oo kale
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:35 0:00

XS
SM
MD
LG