Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pope Francis oo Hadal u Jeediyay QM


Wadaadka ugu weyn mad-habta Kaatoligga ee diinta masiixiga Pope Francis ayaa ku booriyay madaxda dunida ee isugu tagay shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ee New York inay xurmeeyaan xaquuqda bani aadamnku ay u leeyihiin inay ku noolaadaan deegaan fayow.

Pope Fransis ayaa Khudbadiisa ku soo dhaweeyay heshiiskii Nukliyerka ee Iran iyo quwadaha dunidu ay gaareen, kaasoo uu ku tilmaamay “Niyad Wanaag Siyaasadeed”.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay hey’adaha maaliyadda ee dunida inaysan ku dhibaateeyn dalalka saboolka ee dunida ee mushkiladaha dhaqaale soo wajaha, hannaan deyn siin oo cadaadin ay ku jirto, taasoo uu sheegay inay uun sii xumeyn karto xaaladda saboolnimo ee dunida.

Pope Francis, ayaa sidoo kale ugu baaqay dunida in la xurmeeyo qaxootiga ka soo cararaya goobaha colaadahu ay ka jiraan.

Wadaadkan 78-jirka ah, ayaa khudbaddiisa Qaramada Midoobay ka dib, wuxuu tagay Taalada Xusuusta weerarkii September 11, halkaas oo ah halkii ay beri ka taagneyd xaruntii gacansiga ee dunida.

Waxa goobta ka hadlay Pope-ka iyo culimo kale oo diimo kala gaddisan leh, kuwaas oo dhammaantooda muujiyay sida aanay ugu qanacsaneyn waxyeelleynta dadka rayidka ah.

XS
SM
MD
LG