Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahin Laga Helayo Weerarkii Madaxtooyada


Dawladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qofka looga shakisan yahay inuu maleegay weerarkii lagu qaaday dhismaha madaxtooyada habeenkii Talaadada.

Idaacadda ku hadasha codka dawladda ayaa soo bandhigtay nin ay magaciisa ku sheegtay Xasan oo lagu eedeeyey inuu ka mid ahaa 4 qof oo weerar ku qaadday madaxtooyada.

Warar kale oo aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa VOA u sheegay in ninkaasi magaciisa oo buuxa la yidhaahdo Xasan Muxiyadiin oo sidoo kale loo yaqaan Bastoolad Weyne.

Idaacadda ayaa sheegtay in weerarkaasi bartilmaameedkiisu ahaa in lagu dilo Ra'iisul Wasaaraha dawladda Federaalka Cabdiweli Sheekh Axmed.

Waxa idaacadda Raadiyo Muqdishu ay sheegtay inuu ka tirsanaa ururka aal-Shabab oo u iibiyey baabuurka isla markaana siin jiray mushahar dhan $200 bishii.

Waxay idaacaddu sheegtay in ninkaasi uu qirtay inuu ku lug lahaa weerarkii bishii Febraayo lagu qaaday madaxtooyada, iyo weliba weerarro kale oo lagu qaaday Baarlamaanka iyo Hoteelladda Maka Al-Mukarama iyo Oriental.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale VOA u sheegay in ninkaasi oo lagu arkay isaga oo wareegaya Huteello ay ku sugan yihiin Wasiirro ka tirsan dawladda.

XS
SM
MD
LG