Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar Jaamacadeed Oo Lagu Dilay 25 Qof


Kooxaha gurmadka deg degga ah oo sida qof ku dhaawacmay weerarka. Jan. 20, 2016.
Kooxaha gurmadka deg degga ah oo sida qof ku dhaawacmay weerarka. Jan. 20, 2016.

10 illaa 12 qof oo hubeysan ayaa galay Jaamacadda Bacha Khan University ee magaalada Charsadda ee woqooyiga dalka Pakistan.

Weerar iyo qarax arbacada (1/20/2016) lagu qaaday jaamacad ku taalla woqooyiga galbeed ee dalka Pakistan ayaa lagu dilay ugu yaraan 25 qof, ayada oo tobaneeyo kale lagu dhaawacay, sida ay sheegeen ilo-wareeydo caafimaad iyo saraakiil.

Koox argagixiso ah oo ka koobnaa 10 illaa 12 qof ayaa galay jaamacadda Bacha Khan University ee magaalada Charsadda, qiyaastii 9-kii subaxnimo, waxaana ay xabado ku fureen ardayda iyo macallimiinta, sida ay sheegeen saraakiisha.

Ku xigeenka dambi-baaraha guud ee booliiska gobolka, Saeed Wazir Khan, ayaa sheegay in ugu yaraan laba qof oo is-miidaamiyey ay ka mid ahaayeen argagixisada weeraray jaamacadda.

Afhayeen u hadlay Taalibaanka Pakistan, Mohammad Khorasani, ayaa sheegay in kooxdiisa aysan wax shaqo ah ku lahayn weerarka lagu qaaday Jaamacadda, isaga oo sheegay in goobaha aan milatariga ahayn aysan ku jirin liiska meelaha ay weeraraan.

Bayaan uu usoo diray VOA, ayuu Khorasani ku sheegay in weerarkii Arbacada uu yahay mid ka dhan ah shareecada Islaamka.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Nawaz Sharif, oo iminka booqasho ku jooga Zurich ayaa cambaareeyey “Weerarkan fuleynimada ah”, waxaana uu sheegay inuu “Si qoto dheer uga naxay dhacdadan murugada leh”.

Jaamacaddan oo ku taalla gobolka Khyber Pakhtunkhaw, ayaa waxa ay hooy u tahay in ka badan saddex kun oo arday.

XS
SM
MD
LG