Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ONLF: Shabaab 2 Sarkaal Ayay Naga Dishey


War ay soo saareen ururka ONLF maanta, ayay ku sheegeen in labo ka mid ah xubnahooda sar sare ay dileen kooxda al-shabaab, kadib markii ay ka qabsadeen meel u dhow magaalada Baydhaba ee xarrunta gobolka Bay, siddeeddii bishii Meey ee sanadkan 2015.

Warka ayaa lagu sheegay in Cabdicasiis Muxumed Daahir oo ka tirsanaa guddiga dhexe ee ururka ONLF iyo Maki Cumar Cabdi, oo ahaa madaxii agoomaha u qaabilsanaa ururkaasi, la qabsaday mar ay ku sii jeedeen gudaha Itoobiya.

Baaris dheer kadib, ayay ogaadeen in labadan ruux lagu gowracay deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabellaha Hoose, laba maalin kadib markii la qabsaday, sida warka lagu caddeeyay.

Amarka dilkaasi, ayay kooxdu ku eedeysay inuu bixiyay Isaaq Dhuxulow, oo Shabaab u qaabilsan deegaannadaasi.

ONLF, ayaa sheegtay in ay Shabaab hore u dileen illaa iyo siddeed ruux oo ka mid ahaa xubnaha ururka ONLF, oo uu ku jiray xoghayhoodii gaashaandhigga u qaabilsanaa ee shaqada ka fariistay Iliyaas Sheekh Cali.

XS
SM
MD
LG