Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Xamaas ha Joojiso Madaafiicda ay ku Tuurayso Israel.


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in dadaalada la doonayo in lagu qaboojiyo dagaalada ugu dambeeya ee dhex maraya Israel iyo falastiiniyiinta ay tahay in dadaaladaasi ay ku bilowdaan in Xamaas ay joojiso gantaalada ay ku tuureyso dhulka Israel.

Obama oo hadalkan ka sheegay Thailand ayaa waxa uu ku celiyey taageerada waxa uu ugu yeeray xaqa ay Israel u leedahay inay iska difaacdo gantaalada laga tuurayo Gaza ee lagu garaacayo guryaha dadku deggan yihiin.

Obama wuxuu sheegay inay habboonaan lahayd in la joojiyo tuurista gantaalda, iyadoo Israel aysan sii kordhin weeraradeeda cirka iyo badda ee 5ta maalmood qaatay ee ay la beegsanayso Gaza.

Obama ayaa sheegay inuu la hadlay maalmihii u dambeeyey hogaamiyeyaasha Israel, Masar, iyo Turkey si arrintan xal looga gaaro.

Ra'iisul-wasaaraha Israeli Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israel ay diyaar u tahay balaarinta howlgallada military ee ka dhanka ah Gaza, iyadoo xukuumaddiisu ay ciidamo soo dhoobtay xadka u dhow Gaza.


Israel ayaa maalintii shannaad wado weerarada cirka ah ee ka dhanka ah Gaza, waxayna maanta garaacday dhowr bartilmaameed oo Gaza ku yaalla. Xamaas ayaa iyaguna dhinacooda gantaallo ku ridday dhanka Isreal, gaar ahaa Tel Aviv.

Saraakiisha ku sugan Gaza ayaa sheegay in guri ku yaalla bartamaha magaalada ay ku dhinteen 10 rayid ah markii Israel ay hawada ka duqeysay.


Saraakiil ka socda Israeli ayaa gaaray Qaahira si ay uga qeybgalaan shir ay Masar dhex-dhexaadinayso oo laga yaabo in xabad-joojin lagu heshiiyo.

XS
SM
MD
LG