Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Cunqabateyn La Damacsan China


Madaxweyne Barack Obama
Madaxweyne Barack Obama

Dowladda Mareykanka, ayaa isku diyarineysa inay ka jawaabto falalka basaasnimo ee Shiinaha ee dhanka Intertka ah.

Dowladda Mareykanka, ayaa isku diyarineysa inay ka jawaabto falalka basaasnimo ee Shiinaha ee dhanka Intertka ah, iyadoo Washington ay sheegtay inay cuna qabateyn saari doonto shaqisiyaadka iyo shirkadaha ka faa’idey xadiddii siraha ganacsi ee Mareykanka, sida uu qorey wargeysa Washingto Post.

Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil aan la magacaabin oo ku jira maamulka Obama, ayaa ku waramay in weli dowladda Mareykanku aan go’aansan in cuna qabateyntaasi la soo saaro, hasayeeshee go’aankaasi ayaa la rajeynayaa goor dhow.

Obama, ayaa April kowdeedii waxa uu saxiixay amar lagu xannibi karo hantida islamrakaasina laga joojiyo lacagahooda qof kaste oo masuul ka ahaa inay si qarsoodi ah u dhacaan baraha Intertenka ee Mareykanka, kuwaas oo ujeedkooda ahaa inay helaan warbixinno si ganacsigooda uu u bulaalo.

Suuratagalnimada cuna qabateynta la saarayo shaqsiyaadka iyo shirkadaha Shiinaha qaarkood, ayaa Imaaneysa iyadoo Obama uu isku diyaarinaayo in uu marti galiyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping, oo September la rajeynaayo in uu booqasho ku yimaaddo Mareykanka.

XS
SM
MD
LG