Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaare Cabdiwali oo Gudi u Magacaabey Baaritaanka Geeridii Taliyaha Ciidanka Booliska


Ra'iisul-wasaare Cabdiweli
Ra'iisul-wasaare Cabdiweli

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sh Axmed ayaa Gudi heer wasiiro ah u magacaabey in ay baaritaan ku sameeyaan Geerida Taliyihii Ciidmada Booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sh Xasan Ismaaciil oo shaley ku geeriyoodey magaalda Muqdisho. Gudigan oo ka kooban 5 wasiir ayaa kala ah

1. Ra’iisul Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Mudane Ridwan Xirsi Maxamed (Guddoomiye)
2. Wasiirka Caafimaadka Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Xubin)
3. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow (Xubin)
4. Wasiirka Beeraha Mudane Axmed Cabdi Baaffo (Xubin)
5. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg (Xubin)

Taliyaha ayaa la sheegey in la geeyey cusbital ku yaala magaalada Muqdisho ka dib markii uu xanuun kadis ah ku soo boodey, halkaasoo uu wax yar ka dib ku geeriyoodey.

Qaar ka mida shaqaalihii iyo dhaqaatiirtii cusbitalka ayaa la seegey in la xirey halka qaar kalena la sii daayey ka dib markii wareysiyo lala yeeshey. Ilo wareedyo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa VOAda u sheegey in ay suurtagal tahay in Saaka ii Jimca ah meydka Taliyaha loo duuliyo magaalada Nairobi si baaritaan loogu sameeyo sababta keentey Geeridiisa.

XS
SM
MD
LG