Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Dawladda Iyo Kuwa AMISOM oo Weerar Qaaday


Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in goor dhowayd ay weerar qaadeen ciidamada dawlada iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, weerarkaasi oo ay ku qaadeen degaanka Tooro-Toorow.

Degaankaasi ayaa la sheegay inuu saldhig u ahaa ururka Al-Shabab intii muddo ah.

Mas'uuliyiin ka tirsan dawladda oo magacooda ka gaabsaday kuna sugan Gobolka ayaa VOA u sheegay in ciidanka dawladda iyo kuwa AMISOM ay caawa ku sugan yihiin duleedka Tooro-Toorow.

Maleeshiyada ururka al-Shabab ayaa la sheegay inay ku jiraan beero ku wareegsan Tooor-Toorow.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ciidanku ay la wareegaan Tooro-Toorow oo ahayd saldhig ay ka soo duulaan Al-Shabab.

XS
SM
MD
LG