Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muran Weli ka Taagan Haamaha Berbera

Dekedda Berbera
Dekedda Berbera

Khilaaf hor leh ayaa mar kale ka dhex curtay shir gudoonka golaha wakiilada ee Somaliland kadib markii guddoomiyaha golahaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu warqad jawaab celin ah shalay u qoray madaxweyne Silaanyo.

Warqaddaas ayuu Cirro kaga fal celinayay qoraal hore oo uu madaxweynuhu dib ugu soo celiyay go’aan ay golaha wakiiladu dhawaan ku laaleen wareejinta keydka haamaha shidaalka ee magaalada Berbera.

Warqadda uu gudoomiye Cirro qoray, ayaa waxaa saaka ka soo hor jeestay labada guddoomiye ku xigeen ee golahaasi Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yusuf Axmed kuwaasi oo sheegay in gudoomiyhu uu nidaam qaldan u maray warqadaas jawaab celinta ah, islamarkaana madaxweynaha ka codsaday in uu dib golaha ugu soo celiyo.

Wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa labada dhinacba la kulmay waxaana hadalka ku hor maraya gudoomiye ku xigeenka kowaad Baashe Maxamed Faarax.

Muranka Haamaha Berbera
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:55 0:00

XS
SM
MD
LG