Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shir Dhallinyarada Uga Furmay Muqdisho


Shirka Dhallinyarada
Shirka Dhallinyarada

Ajendayaasha shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ay u yeelan lahayd siyaasad qaran.

Shirweyne qaran oo ay lee yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Shirkan oo hindisiihiisa ay leedahay wasaaradda dhalinyarada ee dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeyb galaya dhalinyaro 100 ka badan oo laga kala keenay qeybaha kale duwan ee Soomaaliya iyo dhalinyaro ka socota qurbaha.

Ajendayaasha shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ay u yeelan lahayd siyaasad qaran.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa shirkan ka furay Muqdisho, waxaana uu sheegay in waxyaabaha shirkan kasoo baxa la geyn doono kulanka ka dhacaya Istanbul ee hiighsiga cusub ee Soomaaliya ku saabsan.

Maxamed Colaad Xasan ayaa warbixintan nooga diyaariyey.

Shir u furmay dhallinyarda Soomaaliyeed
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:12 0:00


XS
SM
MD
LG